HomeWarkiiDAAWO: Kumaan Ciidamada Xooga Dalka oo lagu arkay Muqdisho iyagoo duulaan sii...

DAAWO: Kumaan Ciidamada Xooga Dalka oo lagu arkay Muqdisho iyagoo duulaan sii ah

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida aan xogta ku helnay waxaa saaka Magaalada Muqdisho lagu arkay Kumanaan Askari oo Wata Dabaabaadka dagaalka kuwaasoo ka tirsan Milateriga Somalia islamarkaana qaab ahaan u muuqday kuwo duulaan.

Muqaalka waxaad ku arki kartaa gaadiidka xamuulka oo ay saaran yihiin ciidamo aad u badan xili sidoo kale ay bar bar socdaan gaadiidka gaashaaman ee casriga ah kuwaasoo Turkigu siiyay Dowlada Somalia.

Si rasmi ah looma oga halka ay duulaanka ku yihiin ciidamada Xooga dalka walow dadku aragti kala duwan ka bixinayaan sida in Gobolka Gedo loo wado ciidamdaan si Dowladu ula wareegto meelaha yar ee gacabtooda ka maqan sida Doolow oo ay ku sugan ciidamo taabacsan Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa loo badinayaa inay duulaan ku yihiin Alshabaabka heysta meelo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha dhexe sida Degmooyina Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -