Madaxweynaha JFS ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay dalka Masar ayaa kormeer ugu tagay ciidamada Masar ee loo diyaariyay ka qaybgalka hawlgalka AUSSOM, halkaas oo lagu soo bandhigay heerka sare ee diyaargarowgooda.
Munaasabad kooban ayay Dowlada Masar qabatay kasoo ay ku soo bandhigayeen ciidamada ay ugu talo galeen Somalia inay ka howlgalaan kuwaasoo lagu wado inay dhawaan gaaraan Muqdisho,Wasiirka Gaashaandhiga Masar ayaa Madaxweyne Xasan ku wehliyay munasabadaani oo ciidamadu u ku soo bandhigeen diyaar garowgooda.
