MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia ayaa khud-bada uu ka jeediyay aqalka Baarlamaanka ee uu kula hadlayay xubnaha labada aqal wuxuu ku soo qaatay hadalo uu mar si gaar ah hawada u marinayay Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Ciiro oo dhawaan aqoonsi kaga badashay Yuhuuda in shacabka reer Qaza loo soo barakaciyo Somaliland si qaxooti ahaan loogu hayo.
Madaxaeyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu uga digay reer Somaliland in dhulkooda lagala wareego isagoo kula taliyaya in maanta oo ay heystan fursad aad wax ku diidi karaan ay ka faa’iideystaan isagoo u tilmaamay in beri la gaari karo iyagoo aan waxba diidi karin
“Walaalaha gobollada Waqooyi waxaan leeyahay la idiinkuma yaqaano in dalkiina aad si fudud ugu ogolaataan cadaw, aaway taariikhdii awoowayaashiina, maanta waxaad heysataan fursad aad wax ku wax diidaan lakin berri markii dhulkiina la dego waxba ma awoodi kartaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
