HomeWarkiiDAAWO: Madaxweyne Xassan oo si kulul ula hadlayu mucaaradka samatabixinta

DAAWO: Madaxweyne Xassan oo si kulul ula hadlayu mucaaradka samatabixinta

DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh oo xalay casha sharaf kaga qeybgalay Magaalada Dhuusa-mareeb ayuu weerar afka ah ku qaaday siyasiyiinta mucaradka samtabixinta isagoona cadeeyay inuu bur burey wada-hadalkii mudo u soo socday isagoona ku dhaliilay inay iyagu masuul ka yihiin.

Madaxweyne Xassan Sheikh wuxuu ku eedeeyay kooxda mucaaradka ineysan ku mideysneyn aragti siyaasi ah,wuxuu xusay inay wataan aragtiyo kala duwan,mar uu soo hadal qaaday markii uu mucaaradka ku jirey wuxuu sheegay xitaa markaas ineysan jirin aragti lagu mideysnaa.

“shalay markaan mucaaradka saaxiibadey isla ahayn ma jirin aragti aan ku mideysneyn hadana waa sidii ma jirto aragti ay ku mideysan yihiin”ayuu yiri Madaxweyne Xassan

Mdaxweyne Xasan wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ineysan rabin in Alshabaab laga adkaado , wuxuu xusay madaxweynuhu ineysan waligood ka qeybqaadan dagaalka Alshabaab islamarkaana aysan abaabulin dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab.

“hala soo baaro mucaaradka maalina intey warbaahinta hor imaadeen ay umada ugu baaqeen in Alshabaab la iska celiyo hala soo helo ,xitaa hal maalin hala soo helo iyagoo dhaha Dalka aan Alshabaab ka qabano”ayuu yiri Madaxweyne Xassan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka hadalka Madaxweyne Xassan:-

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -