JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Masuuliyiin heer Faderaal iyo heer Maamul Goboleed isugu jira  ayaa booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshaballe.
Madaxdaan waxaa hogaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo faderaalka ka socday,waxaana ku wehlinaayay booqashada  Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle C/raxmaan Daahir Guure, Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe Axmed Mayre Makraan ,wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Masuuliyiin kale.

Biya xireenkaan Sabuun ayaan helin wax dib u dayactir ah sanado badan waxaana ka muuqda bur-bur iyo duruuf dhanka muuqaalka ah kadib markii saameyn weyn uu ku yeeshay Daadadkii Roobka El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa carabka ku dhuftay inay wax ka qaban doonaan dib u dayactirka biya xireenkaani si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo,
“waaan ka shaqeyn doonaa dib u hagaajinta biya xireenka inagoo kaashaneyna saaxiibada caalamiga ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No photo description available.May be an image of 2 peopleMay be an image of 4 peopleNo photo description available.May be an image of 6 people

Previous articleMeeqa Masuul ayaa la dharbaaxi lahaa?
Next articleNin maanta Baangad lagu dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here