MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Sanatar Muuse Suudi iyo Xil. Saciid Daahir Ismaaciil ayaa isku af dhaaay Shirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyagoona eedeo kala duwan mid-ba kan kale u jeediyay.
Xildhibaan Saciid Daahir Ismaaciil ayaa ku eedeeyay Sanatar Muuse Suudi inuu baarlamaanka la dhex tagan yahay mar kasta qabiil iyo iyo sheegashada caasimada Somalia ee Magaalada isagoona si caro leh ugu yiri jooji waxaad tahay ninka noogu weyn.
Xildhibaan Saciid wuxu sidoo kale Muuse Suudi ku yiri jooji qabyaalada magaalada Muqdisho waa xarunta ama caasimada Dalka, mana la kala xigo.
“Aniga iyo Muuse Suudiba Muqdisho waan imaanay anaga leh cid na dhihikarta oo naga xigsankarto majirto haddii kale caasimadda halaga raro” ayuu yiri Xildhibaan Saciid
Muuse Suudi ayaa isna dhankiisa ka dhawaajiyay in xildhibaan Saciid iyo Xildhibaan kale oo isna dooda la qaaday inay yihiin dad wax tabanaya oo wax ka maqan yihiin sidaas daraadeedna ay tahay in la siiyo xili uu arimo dhul soo hadal qaaday .
”aniga waxaan is leeyahay ninkaan ama dhulaa ka maqan ama waa walan yahay ,ha sheego dhulka ka maqan waa la siinaa” ayuu yiri Sanatar Muuse Suudi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
