MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia xarunteeda Muqdisho ayaa la hor keenay kooxo dameer ku siday qarqaxyo miino oo jawaano laga soo buuxiyay.
Gudoomiyaha Maxkamada Xassan Cali Nuur (Shuute) ayaa su’aalo adag weydiiyay raga eedeysanayaasha ah oo dhamantood qiraal ka ahaa inay falkaani ku jireen inkastoo eedeysanayaasha oo laba ahaa mid kasta kan kale ku eedeeyay inuu howshaasi isaga sabab u ahaa inuu ka shaqeeyo.
Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa soo bandhigay dacwadaha loo heysto eedeysanayaasha iyo qaabka loo soo qabtay.
Faah-faahinta dhageysiga dacwada ka daawo muuqaalkaan aan ka soo xiganay warbaahinta Qaranka:-
