MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka bilowsay xuska ama dabaal dega maalinta Ciidamada Xooga Dalkeena Somalia oo la aas’aasay sanadkii 1960-kii.
Diyaaradaha dagaalka Miigaga casriga ah ee Dalka Turkey 🇹🇷 gaar ahaan kuwa F16 ayaa dabaal dega saaka qeyb ka ah waxaana lagu arkayaa hawada Muqdisho iyagoo duulimaadyo ku sameynaya.
Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee Ciidamad Cirka Somalia ayaa iyagana lagu arkayaa hawada Magaalada Muqdiaho kuwaasoo dhamaantood qeyb ka ah dabaal dega maalinta ciidanada Xooga ee 12-Ka April la xuso sanad kaata.
Xarunta Waaaraada Gaashaandhiga Somalia ayaa lagu wadaa in ciidamadu ku soo bandhigaa gaa-daa ka ciyaar,awooda tababar iyo dishibiliinlooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
