MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muungaab ayaa jawaab culus hawada u mariyay siyaasiyiinta mucaaradka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame kuwaasoo dhawaab warbaahinta ka sheegay in xaalku marayo Qof iyo Qorey balse ayan jirin sida Dowladu sheegtay qof iyo Cod.
Muugaab wuxuu carabka ku adkeeyay ineysan jirin cid ay qorey wax uga qaadi karaan, sidoo kale wuxuu ku tilmaamay siyaasiyiintaan kuwo ma gudbayaal ah.
“Siyaasi ma gudbe ah ayaa dhahay qof iyo qori, fikirna mahaayo hadii ladhaho dalka maxaa ufiican,aniga 5bil kadib inaan tartamaan diyaar u ahay waxaan qabtayna miiskaan Soo saaraaa.
“hadii la dhaho dalka maxaa ufiican,aniga 5bil kadib inaan tartamaan diyaar u ahay waxaan qabtayna miiskaan soo saaraan”ayuu mar kale yiri Muungaab
