HARGEYSA (DAYNIILE.COM )-Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya dhalinyaro ereer Hargeysa oo xitaa askar ay ku jiraan oo garaacaya nin iyo wiil yar oo oromo ah kuwaasoo ka xamaasha Magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Somaliland .
Xogta ayaa muujineysa in Ormada isticmaasha baraha bulshada ay muuqaalkaan ka soo xigteen ama ka soo qaateen baraha bulshada ee dhalinyarada reer Hargeysa kadibna ay sii faafiyeen
Oromada ayaa muuqaaladaani ka muujiyay sida ay aadka uga xumaaden qaabka loolla dhaqmay dadkooda ka xamaasha Magalada Hargeysa inkastoo Itoobiyaanku laftigooda soomaalida si bahdilaad ula dhaqmaan marka dalkooda la joogo gaar ahaan ay danbiyo been abuur kugu soo oogaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii baraha bulshada lagu faafiyay in Oromo ah oo dhawaan socdaal ku tagay Hargeysa kaasoo dhulka Waqooyi Galbeed ee Somaliland ku tilmaamay mid asalka ay lahaayeen dadka oromada inkastoo uu beeniyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
