HomeWarkiiDAAWO: Muxuu yahay falka foosha xun ee Dowladu ka bilowday Muqdisho ee...

DAAWO: Muxuu yahay falka foosha xun ee Dowladu ka bilowday Muqdisho ee keeni kara in shacabku ka hor yimaado.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Muuqaal laga soo duubay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho ayaa muujinaya fal aad u fool xun sida ay shacabka Degmadu ku sheegeen cabashadooda walow Dowladu wali ka hadlin jiritaanka cabashadaasi.

Reer Shibis waxay sheegeen in Dowladu maanta qaar ka mid guryaha degmadaasi ka fujiyeen albaabadii ganjeelka ahaa kadib markii shacabku diideen lacag dheeraad ah oo laga rabay,iyadoo wararka qaar sheegayaan in Dowladu dooneyso in lacagta lagu saaro wadooyinka xaafadaha interlock si quruxda Degmadu kor ugu kacdo balse shacabku awoodi wayan lacagta.

Lacagata Shacabku awoodi waayeen ayaa lagu sheegay inay tahay kun doolar oo guri kasta la dul dhigay, qoys kasta oo lacagta ka madax adeygayna waxaa laga fujiyay albaabka kore ee guriga laga soo galo halka shalayna baraha bulshada lagu shaaciyay in qoysaska laga xiranayay guryaha.

lama oga sida Hay’adaha amniga iyo maamulka Degmada uga jawaabi doonaan cabashadaan shacabka ka soo baxeysa oo hadii ay jirto  Dowlada ku keeni karta inay waydo kalsoonida shacabka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -