Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa hadalo uu ka jeediyay shirka Caawa ay yeesheen Mucaaradka wuxuu ka hadlay arimo dhowr iyo eedeyno uu u jeediyay Madaxda Dowlada Somalia.
Xadsan Cali Kheyre ayaa shuruud ku xirey in Xassan mudada yar ee u hartay uusan waxba ka qaban karin Dastuurka, midnimada iyo difaacida Qaranimada Somalia hadii aanan heshiis laga aheyn hannaanka Dowladnimada iyo maareynta xilliga kala guurka, kali
“Muddada sedaxda bilood iyo sedaxda maalmood ah ee ka haray mudda xileedka xukuumadda, loogama shaqeyn karo Dastuur Soomaaliyeed, laguma xallin karo Midnimada ummadda Soomaaliyeed, argagaxisada loogama adkaan karo, malaayiinta abaaruhu ku habsadeenna looguma gargaari karo, mana difaaci karno Dowladnimada Soomaaliyeed hadii aanan heshiis laga aheyn hannaanka Dowladnimada iyo maareynta xilliga kala guurka” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre
“kaliya xilliga kooban ee haray waxaan ka shaqeyn karnaa inaan ka tashanno sidii dalka doorasho heshiis lagu yahay loo gelin lahaa”ayuu mar kale yiri Xasan Cali Kheyre
