HomeWarkiiDAAWO: Ra'iisulwasaaraha oo goob joog ka ahaa saaka qaadista dhagxaanta wadooyinka Muqdisho...

DAAWO: Ra’iisulwasaaraha oo goob joog ka ahaa saaka qaadista dhagxaanta wadooyinka Muqdisho ku xirnaa

MUQDISHO (DAYNIILE)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa saaka goob joog ka ahaa howlgal Dowladu ku qaadeyso dhagxaanta wadooyinka Muqdisho ku xirnaa mudo sanado ah sababo amni darteed,waxana hada qorsheysan oo la bilaabay in dhagxaata laga qaado ilaa 54 wado mudo bil ah.

Ra’iiasulwasaaraha waxaa ku wehliyay kormeerkiisa Wasiirka Amniga Jen Fartaag , Taliyaha Agaasimaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad,Taliyaha Booliiska Aasad C/laahi,Taliyaha booliiska Muqdisho Macalin Mahdi iyo Gudoomiyaha Gbobolka Banaadir Xasan Muungaab.

Shacbka ayaa aad ugu farxay aadna u soo dhaweeyay furista wadooyinka ay dhagxaantu ku xirneyd taasoo dhibaato weyn lagu qabay marka la eego isku socdodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo kormeeray goobha dhagxaanta saaka  laga qaadayay:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -