HomeWarkiiDAAWO: Ra'iisulwasaare Xamza oo mar kale qaladaad ku soo arkay garoonka diyaaradaha...

DAAWO: Ra’iisulwasaare Xamza oo mar kale qaladaad ku soo arkay garoonka diyaaradaha amarna ku bixiyay Asbuuc in lagu xaliyo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM) Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa maanta mar kale booqday garoonka diyaaradaha Adan Abdulle ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan uu maamulka garoonka iyo Wasiirka Duulista ku canaantay adeeg xumida bulshada.

Xamze wuxuu booqashadaasi hore ku amray mudo laba asbuuc ah in wax looga qabto  nadaafad xumida musqulaha iyo sidoo kale  in la cilad bixiyo mashiinka boorsooyinka lagala dego oo gabi ahaanba fadhiyay.

Xamza markuu maanta booqday Garoonka waxaa uu soo arkay in aad wax looga qabtay nafaafad xumidii musqulaha sidoo kalana mashiin cusub lagu badalay mashiinkii hore ee fududeeya in qof kasta  boorsadiisa uu si sahlan ku soo helo.

Dhanka kale Ra’iisulwaaaraha wuxuu soo arkay cilad aan wali wax laga qaban taasoo ah dhanka korontada iyadoo kuleyl badan uu ka jiro  dhamaan qaboojiyayaasha hoolalka dadku ku sugaan diyaarada.

Ra’iisulwasaaraha ayaa mar kale wuxuu canaan kala dul dhacay maareeyaha garoonka iyo Wasiirka Duulista hawada,wuxuuna ku amray hal asbuuc lagu hagaajiyo.

“Korantiistayaal Soomaali ah ayaa Muqdisho joogo oo shaqa la’aan ah iyaga qandaraaska hala siiyo, suurtagal maaha in la dhaho Japan baa laga sugayaa “ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -