MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta booqday garoonka diyaaradaha Adan Cabdule International Airport ee Magaalada Muqdisho ayaa sameeyay talaabo aad uga farxisay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ka dhoofayay Garoonka.
Ra’iisulwasaare Xamza oo hore looga bartay u naxariisashada shacabka ayaa garoonka gudihiisa ku arkay shacab ka cabanaya in lacago aysan raali ka ahayn looga qaatay baaritaan caafimaad.
Xamaza Cabdi Barre oo ka carooday ayaa isla goobtii ku amray in shacabka lacagtooda loo celiyo waana loo celiyay isagoo goob joog ah.
Qaar shacabka ka mid ah sida muuqaalka aad ka arki kartaan ayaa aad ugu farxay ugana mahadceliyay Ra’iisulwasaaraha talaabada geesinimada leh ee uu ku garab istaagay kuwaadniinta Soomaaliyeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
