MUQDISHO (DAYNIILE.COM) Wasiiro,Xildhibaano iyo shacab ka soo jeeda Gobolada Waqooyi gaar ahaan Gobolka Xeebta ah ee Awdal ayaa maanta ka sameeyay Muqdisho kacdoon ay kaga soo horjeedaan damaca Itoobiya ee dhul-joobka Soomaaliya.

Xeebaha iyo Badda Gobolka Awdal ayaa ah halka Itoobiyaanku bartilmaameedsadeen inay xoog ama xeelad ku qaataan.

Advertisement

Masuuliyiintaan ayaa xaflad ku qabsaday Muqdisho halkaasoo khudbooyin ay Xildhibaanada iyo Wasiiradu ka soo jeediyeen.

Waxay dhamaantood si adag uga hadleen damaca Itoobiya iyagoona wacad ku maray inay hantida Soomaaliyeed difaacayaan oo naftoodana ay u hurayaan.

“waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”ayuu  yiri Wasiir Xagaa oo ka mida masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya ku matala gobolka Awdal.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Wasiir Maxamed Cilmi Ibraahim  kaasoo sheegay inay Reer Awdal  ku garab taagan yihiin difaaca Baddeenna Madaxweynahe Xasan iyo Ra’iisulwasaare Xamze.

Hadaba halkaan ka daawo warsaxaafadeedka ka soo baxay kacdoonka reer awdal waxaana ka soo qaadanay Tv-ga Qaranka:-

 

Previous articleMasuuliyiin iyo Saraakiil maanta booqday boosteejooyin loo asteeyay Bajaajleyda Garowe+SAWIRRO
Next articleYuusuf Madaale oo siyaasiyiinta Mucaaradka ku digtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here