CADDAADO (DAYNIILE.COM)-Shacabka Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud ayaa goor dhaw oo maanta waxay si weyn usoo dhaweeyeen coyaartoyda kubada Cagta Maamulka Galmudug oo gaaray Magaaladaasi.
Shacabka reer Cadaado ayaa muujiyay inay tira ahaan iyo tayo ahaanba iska bareejeyn karaan reer Guriceel marka la eego habkii ay iyaguna usoo dhaweeyeen.
Kunanaan dad ah ayaa buux dhaafiyay wadooyinka Cadaado, iyadoo ciyaartoyda Galmudug saarnaayeen gaadiid kor ka feydan xili calanka iyo koobkana ay kor u hayeen.
Kaamirada ayaaba buuxsantay oo laamiga iska daaye xitaa waxaa qarsoomay wax firaaq ah oo gaadiidka iyo dadkaaba u dhexeeya.
Muuqaalka waxaad ka arki kartaa in xitaa baabuurta lagu wado ciyaartoyda socon kari waayeen  isu soo baxa shacabka dartiis.
Shacabkii Magaalada oo malaha reer Cadaado  howlahoodi oo dhan waaba soo xireen  maanta Masha Allah.
Hadaba halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo xiganay Tv-qaranka Somalia:-
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.CO
Previous articleShirkii 44-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Adis-ababa+SAWIRRO
Next articleMadaxweynaha Somalia oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here