GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Ciyaartoyda Xulka kubada Cagta Galmudug ee dhawaan ku guulaystay Koobkii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa  maanta gaaray Koonfur-ta Gaalkacyo.

Kumanaan kun oo shacaba ayaa isku soo baxay kuwaasoo galabta muujiyay cududooda iyo tayadooda si ay isaga bareejaan reer Guri-ceel iyo reer Cadaado oo sidaan oo kale aad la isugu soo baxay.

Advertisement

Ciyaartoyda Galmudug,macalimiintooda iyo Maamulkooda isboorti ayaa saarnaa gaari kor ka feydan xili ay koobkana kor u hayeen.

Gaariga ayaa magaalada soo dhexmaray waxaana ay la kulmeen soo dhaweyn cajib ah iyo taageere baaxad leh.

Lama yaqaan halka ay safarkaan kan xiga ku wajahan yihiin ama inay xamar ku soo laabanayaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleGudoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Madax sare oo Mareykan ah+SAWIRRO
Next articleSAWIRRO: Boliiska Puntland oo soo qabtay rag ku eedeysan dilka ganacsadihij shalay lagu dikay Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here