CARMO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa cara badan ka muujiyay sida uu sheegay ciidamo reer Puntland oo Dowladu si tahriib ah Muqdisho uga qoraneyso.
“Dowlada sheeganeysa inay Faderaal tahay ee tahriibta ka shaqeysa oo maalin walba wiil Lap Top la wareegaya la leeyahay reer hebel buu ciidan ka qorayaa ,war waxaas Ciidan iyo Dowladnimo maaha,Ciidan Tahriib ah Puntland kama shaqeyn karaan” ayuu yiri Saciid C/laahi Deni
Sidoo kale Sacidi Deni wuxuu ciidamada maanta Puntland amar ku siiyay inay talaabo ka qaadaan oo gacan bir ah ku qabtaan,wuxuu sidoo kale ku amar ku siiyay ciidamada inay meel kasta ugu daataan ku weeraraan kuwa sida uu sheegay amniga wax u dhimaya
