HomeWarkiiDAAWO: Saciid Deni oo ka digay ciidamo uu sheegay inay Dowladu ka...

DAAWO: Saciid Deni oo ka digay ciidamo uu sheegay inay Dowladu ka qoraneyso Puntland 

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo xalay ka hadlayay munaasabada 1-da Luulyo ee Xornimada Somalia kaasoo lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa arimo kala duwan ka hadlay sida siyaasada ,xurguta kala dhexeysa Dowalda iyo xuska maalmaha xornimada Somalia.

Saciid Deni ayaa si kulul wuxuu uga hadlay ciidamo uu sheegay inay Dowlada Somalia si sharci daro ah uga qoraneyso deegaanada Puntland isagoona ka digay talaabadaasi iyo waxa ka dhalan kara.

“Dowlada Somalia oo aan ognahay inay duruufo badan haysato, waxaa nasiib darro ah in wiilal laabtoobyo wata ay leeyihiin Puntland ayaan ciidamo ka qoraynaa waa fool xumo, waan ka digeynaa arintaasi sidoo kale waxaan ku baqaynaa in dadkaasi ay dadka caqligooda ku ciyaaraan”ayuu yiri Saciid Deni

“kuwa dhehaya xasaanad baan leeyahay oo Puntland kala burburinaya dadka reer Puntland ayaa laga rabaa wixii laga yeeli lahaa”, Ayuu mar kale yiri Saciid C/laahi Deni

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Puntand diyaar u tahay inay ka qeybqaadato sidii loo heli lahaa Dowlad Somaliyeed oo sal balaaran inkastoo uu eedeyn ba’an u jeediyay Dowlada gaar ahaan hogaankeeda.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka waraka Saciid Deni uu kaga hadlay ciidamada Dowladu ka qoraneyso Puntland:-

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -