HomeWarkiiDAAWO: Saciid Deni oo sharaxaad ka bixiyay halka uu marayo howlgalka ka...

DAAWO: Saciid Deni oo sharaxaad ka bixiyay halka uu marayo howlgalka ka dhanka ah Daacish

Madaxweynaha Maamulka Puntand Saciid C/laahi Deni ayaa sharaxaad ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ay ka wadaan buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari ,wuxuu sheegay inuu marayo maalmihii ugu danbeeyay iyo aagagii ugu danbeeyay.

Saciid Deni wuxuu sheegay in dhawaan ay soo afjari doonaan howl-galka Cal-miskaad islamarkaana ay bilaabi doonaan howlgalka kale ee Cal-madow oo Alshabaab ay kaga saari doonaan meelaha ay ku sugan kaga sugan yihiin buurahaasi.

“waa dhamaad Howlgalka Hilaac ee lagu ciribtirayo Daacish,waxaan u gudbi doonaa howlgalka Onkod ee buuraha Cal-modow aniga ka madaxweyne ahaan dhawaan waxaan dib ugu laabanayaa furimaha hore ee dagaalka si aan ciidamada u dhiiri-gelino”ayuu yiri Saciid Deni

Madaxweynaha Puntland wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshahooda uu yahay inaan Puntland meel ka mid ah mar danbe aan lagu arag fariisimo ay Daacish ku leeyihiin ama alshababaab midkoodna.

Hadaba halkaan ka daawo hadalada Saciid Deni oo muuqaal ah waxaana ka soo xiganay TV-ga Puntland:-

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -