HomeWarkiiDAAWO: Safiir Jabriil Cabdulle oo shaaciyay waqtiga Soomaalidu iman karaan Kenya...

DAAWO: Safiir Jabriil Cabdulle oo shaaciyay waqtiga Soomaalidu iman karaan Kenya Visa la’aan

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya ayaa xaflad uu kaga qeybgalay Nairobi wuxuu ka sheegay waqtiga Soomaalidu iman karaan Kenya Visa la’aan islamarkaana ay qaadan karaan Baasaboorka African Community ee dalalka ku bahoodbay Ururka Bariga Afrika oo dhawaan Soomaaliya ay ku biirtay.

Safiir Jabriil Cabdulle ayaa shaaciyay in sanadka danbe dhamaadkiisa Soomaalidu qaadan doonaan baasaboorka African Community islamarkaana ay Kenya ku iman doonaan Visa la’aan.

“marka uu naga dhamaado baroseyska waxan rajeynayaa in sanadka danbe dhamaadkiisa in qofka somaliga ah uu qaadan karo basaboorka Baluuga ah ,marka Somalidu Kenya ka soo degaana waxay la mid noqon doonaan muwaadiniinta Kenya”ayuu yiri Safiir Jabriil Cabdule .

Sidoo kale wuxuu xusay in ardeyda Soomaaliya ka timid ee waxbarashada u jooga Kenya in laga qaadi doono lacag la mida mida Kenyaanka laga qaado.

XAFIISKA WARARA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -