HomeWarkiiDAAWO: Shacabka Baydhaba oo Saaka laga celcelinayo guriga Wasiirka Xanaanada Somalia

DAAWO: Shacabka Baydhaba oo Saaka laga celcelinayo guriga Wasiirka Xanaanada Somalia

BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur-Galbdeed ayaa sheegaya in saaka xaaladu degan tahay kadib dagaalo xooggan oo shalay ka dhacay halkaasi taasoo keentay khasaare  dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo shacabka.

Warar kale laga helayo Baydhaba ayaa sheegaya in Saaka shacabka Magaalada Baydhaba qaarkood laga celcelinayo gurigii Wasiirka Xanaada Xoolaha ee Xukuumada Somalia Xasan Eelaay, ciidamada amaanka ayaa ka hor taagan.

Shacabka badan ee ku soo xoomay guriga lama yaqaan ujeedkooda dhabta ah, inay doonayaan daawashada guriga madaama uu yahay halkii dagaalka ugu cuslaa uu ka dhacay waxaana ka muuqda burbur xoogan sida aad muuqaalkaba ku arki karto.

Ciidamada waxay xooga saareen amniga guriga iyo hantida dhex taal walow ciidamadii wasiirka ilaalada u ahaa laga eryay, waxaana hada ku sugan ciidamada Maamulka Koofur-Galbeed markii ay shalay dagaal kula wareegeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -