LUG-HAYE (DAYNIIILE.COM)-Dhalinyarada ku dhaqan Degma xeebeedka Lug-haye  ee maamulka Somaliland ayaa maanta hubkooda la soo baxay iyagooba sheegay inay diyaar u yihiin difaaca hantida Somaliyeed.

Dhalinyaradaan waxay sheegeen wixii hada ka danbeeya ineysanba aqoon Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi madaama ku dhaqaaqay talaabo uu Badda Soomaaliyeed ku siinayo Caddowga Somalia ee Itoobiya.

Advertisement

“hubkeena waxaan u qaadanay inaan kaga hor tagno cid kasta oo isku deyda inay soo farageliso hantida Somali weyn ka dhaxeysa”ayay yiraahdeen dhalinyaradaan.

Wiil u hadlaayay dhalinyaradaan ayaa sheegay in Dalka Soomaaliyeed uu madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh islamarkaana aysanba aqoon Muuse Biixi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGuddiga racfaanka xiriirka K/cagta oo aqbalay go’aankii sedexda dhibic lagu siiyay Hirshabelle.
Next articleWasiirka Difaaca Somaliland oo is casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here