HARGEYSA (DAYNIIILE.COM)-Qaar ka mida Shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa wax laga weydiiyay sida a u arkaan diyaaradii Itoobiya ee  shalay hawada laga celiyay xili ay Hargeysa u soo waday masuuliyiin ka tirsan Dowlada Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay iyagu hawada ka celiyeen diyaaradaasi madaama ay waday madax Itoobiyaan ah oo aan wax ruqsad ah ka heysan Dowlada Somalia islamarkaana ay sharci daro ku soo gali rabeen hawada Somalia.

Advertisement

Shacabka Hargeysa qaarkood ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabadaasi Dowlada Somalia qaaday halka qaarna ay ku gaabsadeen in Dowlada Somalia ay iyadu maamusho hawada aysana qalad ahayn hadii ay celiyaan wixii aysan rabin.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka dhalinyaro ka tirsan hargeysa oo fikirkooda cabiraya waxaana ka soo xiganay muuqaalka TV-ga Qaranka Somalia:-

 

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo khud-bad ka jeediyay shirkii Jaamacada Carabta
Next articleMaxaa ka jira in Dowlada Itoobiya qorshaheeda 2-aad uu yahay Maamul Goboleedyada Koonfurta Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here