MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Ciidamada Booliis Milataariya ayaa la soo sheegayaa inay wax badan ka qabteen amaanka deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdiso halkasoo shacabku u dalxiis tagaan.

Shacabka reer Muqdisho ee u dalxiis taga Deegaana Jaziira ee dhaca duleedka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u amaanay Ciidamada xasilinta Xamar ee Booliis Milataariya. kuwaasoo aad ugu dadaalay dhanka amniga.

Advertisement

Tv-ga Qaranka ayaa shacabkaasi ku booqday xeebta waxayna mid mid u weydiiyeen amniga sida uu yahay waxayna u cadeeyeen inay ku raaxeysanayaan amniga hada sida uu yahay xili ay si weyn amaan ugala dul dhaceen Ciidamada Booliis Milatariya.

Shacabka la wareysanaayay madaama dad muslimiin ah ay yihiin marna meysan hilmaamsaneyn mahadcelinta Alle SWT nabada iyo amniga uu siiyay dadka Soomaaliyeed  gaar ahaana deegaanka Jaziira.

Dhamaan Gaadidika ka imaanaya gobolka sh.hoose iyo kuwa xamar ka imanaya ayaa lagu baaraa deegaanka Jazeera.

Xaruntaan dalxiis ayaa ka mida kuwa ay dhalinyarada Muqdisho meelaha ay u jecelyihiin.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaal warbixintaan uu ku faahfaahinaayo TV-ga Qaranka.

Previous articleDoorashadii xilka Madaxweynaha oo Saaka ka dhaceysa Garowe+SAWIRRO
Next articleWareega koowaad ee codeynta Doorashada Puntland oo soo dhamaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here