MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacabkii sanad ka hor laga barakiciyay dhulka Xaruntii Dam-damiska ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay dhulkaasi oo ay maqleen inay dhisanayaan shirkado sida ay iyagu warka u dhigeen.
Mid ka mida oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay usoo baxeen markii ay maqleen in shirkado ay dhisanayaan dhulkii laga saaray,wuxuu carabka ku adkeeyay inaamey dhisi karin dhulkaasi.
“anaga waxaa nalaku saaray in dan guud lagu qabanayo dhulka Dowlada laakiin hadiiba aan dantii guud lagu qabanayn ma jirto cid kale oo degi karta ,anagaa dageyna hadii cidi dageyso”ayuu yiri ninkaasi u hadlay shacabka
haddaba halkaan ka daawo muuqaal kooban oo ninkaasi uu warbaahinta ugu warbixinayay:-
