MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweyniihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa Beesha uu ka dhashay ee Agoonyar wuxuu ka gudoomay Neef Geel ah xili xiisada Mucaaradka iyo Dowlada ay cirka isku sii shareereyso ,sidoo kalana khamiista uu jiro banaan bax weyn oo mucaaradku soo qaban qaabiyeen.
Sida muuqaalka aad ku arki kartaan odayaal ku heyb ah ayaa Shariifka ku casuu,ay inuu ka gduoomo Neef geel ah oo ay ugu deeqeen taasoo lagu soo xasuusanayo 2022-kii xiiligii Farmaajo saan oo kale muda xileedku kaga dhamaday looguna baaqayay inuu Vilada ka soo baxo.
Warar kale ayaa sheegaya in Shariif kulan la qaatay waxaradka reerka uu ka soo jeedo ee Agoonyar Gaanene Abgaal ah si rasmi ahna looma oga waxa dhabta ee ah looga hadlay walow warar aan la hubin ay sheegayaan inay u balan qaadeen inay difaaci doonaan hadii Dowladu isku deydo inay weerarto
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
