GAROWE (DAYNIILE.COM)-Mid ka mid ah Culumaa’udiinka ka soo jeeda deegaanada Puntland islamarkaana ku sugan Magaalada Garowe ayaa si kulul u weeraray ficilada Dowlada Imaaraadka ay ka wado Soomaaliya isagoona ku tilmaamay mid gaaleysiin ah.
Sheekha wuxuu ku eedeeyay Dowlada Imaaraadka Carabta inay iyagu yihiin waxa wada Israa’iil iyo talaabada ay ku aqoonsadeen maamulka Somaliland,wuxuu xusay Sheeha in heshiiska Abraham ee lala gao Yuhuuda uu yahay ficiil gaaleysiin ah oo ay hormuudna ka tahay Dowlada Imaaraadka Carabta.
“ninka magacaadii,dadnimadaadii iyo diintaadii kugula dagaalamaya wax yaruu ku siiyo waxba ku tari maayaan” ayuu yiri Sheekha
