No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ururka Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa markoodii ugu horeysay waxay ka shifeen qorshe qatar ku ah amniga inay wado Wasiirada Gaadiid iyo duulista Hawada Xildhibaanad Fardowsa Cismaan Cigaal.

Advertisement

Masuuliyiintaan Shirkadaha waxay qaadaceen lacago ay sheegeen inay kusoo rogtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumada Soomaaliya qof kasta oo tikid jarata.

Qorshaha qatarta waxay shirkaduhu ku sheegeen inay tahay markii shirkadaha laga dalbaday inay bixiyaan xogta dadka ka dhoofaya Magaalada Muqdisho inkastoo aysan cadeyn inay ku jiraan masuuliyiinta Dowlada Somalia.

“markii hore way na marsiiyeen oo waxaan u qaadanay qorshe amniga quseeya lakiin waxaan dib ka ogaanay inaaneey waxba kala socon arintaan hay’adaha amniga Dowlada Somalia markii aan wax ka weydiinay iyagaa noo cadeeyay inuu yahay qorsh wasiirada kaliya ay wadato”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka Midowga Shirkadaha diyaaradaha

Haddaba hadalada masuuliyiinta shirkadaha iyo cabashadooda ka daawo halkan muuqal aan ka soo xiganay UNIVERSAL TV:-

No description available.No description available.

Previous articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Gaza
Next articleFarmaajo iyo Shariif oo ka qeygalaya shirka Maanta ay leeyihiin Xildhibaanada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here