MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa maanta weerarkii ugu weynaa oo afka ah ku qaaday Madaxda Dowlada Somalia isagoo dhinacyo badan soo hadal qaaday sida hab dhaqanka Dowlada xili dhanka kalana uu u jawaabay Wasiir Fiqi.
C/raxmaan C/shukuur wuxuu sidoo kale markii ugu horeysay dagaal ku kor iclaamiyay Dowlada isagoo si cad u sheegay inay shacabka ku taageerayaan inay ka hor imaadaan dhul boob uu sheegay inay Dowlada Somalia ka wado Magaalada Muqdisho.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay noqotay Dowlad Qoys, iska dhiciya dadka hantidiina qaadanaya, waa idin garab taagannahay”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur
Dhanka kale syaasigaan wuxuu ku dhawaaqay ineysan doorasho la geli karin Dowada hada jirta madaama ay hada ugu hanjabayaan inay leyn doonaan siyaasiyiinta mucaaradka.
Wasiir Fiqi hadalo uu dhawaan jeediyay oo ahaa ineysan mucaaradku hub qaadan karin ayuu si kulul uga jawaabay C/raxmaan Cshukuur isagoo carabka ku adkeeyay in Wasiir Fiqi uu ku hadlay war loo soo dhiibay.
“Warka Fiqi Madaxtooyada ayaa looga soo dhiibay si dhab ah ayaana u qaadaneynaa , waxaa is weydiin mudan sideen doorasho ula galnaa dad saas ah”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur
Halkaan ka daawo muuqaalka C/raxmaan C/shukuur:-
