MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xiisad ay ka taagan tahay suuqa weyn ee Bakaaraha Magaalada Muqdisho kadib markii Dowladu bakhaarada iyo ganacsiyada kale qaarkood xireen.

Dowlada hoose ee Xamar ayaa la sheegay inay lacago dheeraad ah ku soo rogern suuqa sida ganacsatadu sheegeen taasoo keeentay in suuqu xirmo.

Advertisement

Saaka waxaa isu soo baxay ganacsatada suuqa oo u badnaa dhalinyaro kuwaasoo socod ku maraya suuqa dhexdiisa iyagoo ka cabanaya lacag dheeraad ay sheegeen in lagu soo rogay suuqa taasoo aysan bixin karin.

Qaar ka mida Ganacsatada oo banaan baxa ka hadlay ayaa sheegay inay yihiin canshuur bixiyayaal balse waxa hada looola yimid yihiin wax ka baxsan canshuurtii sharciga ahayd ee ay bixiyeen.

“Waxaan nahay canshuur bixiyayaal ee ma nihin canshuur diidayaal laakiin lacag aanan aqoon waxay tahay islamarkaana aan ku dhaceyn gacanta Dowlada ayay naga rabaan mana awoodno”ayuu yiri mid ka mida ganacsatada.

Halkaan ka daawo muuqaan aan ka soo xiganay Tv-ga Dalsan.

Previous articleGacan ku dhiiglaha oo goor dhaw lagu wado in Xamar laga soo dejiyo
Next articleMaxay ka wada hadleen labada Taliye ee Milatariga Somalia iyo Uganda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here