Nairobi (dayniiile.com)-Jaaliyada reer  Koonfur Galbeed ee Kenya ayaa soo qaban qaabiyay kulan ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya  kaasoo lagu taageeraayay Dagaalka Dowlada Soomaaliyeed kula jirto Al-shabaab.
Kulankaan waxaa ka soo qeybgalay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsn,Xidhibaano, Jaaliyda koonfur Galbeed ee Dalka Kenya iyo marti sharaf reer Nairoobi ah.
Dhalinyardii ku hadlaysay Afka reer Koonfur-Galbeed ayaa goobta ka cadeeyeen inay Maamulkoodu ku garab istaagayaan dagaalka la doonayo in Alshabaab looga saaro deegaanada ay ka haystaan Gobolada Bay,Bakool iyo Sh.hoose.
Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsn oo gabagabada kulanka hadalo ka soo jeediyay ayaa ku baaqay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed la baro cadowgooda.
“Caddowga kaliya ee ummada Soomaaliyeed leedahay waa Alshabaab waa in saas loo baraa shacbka Soomaaliyeed,waa inaan shacabka iyaga la isku jeedin ee Caddowgooda  Alshabaab ku wada jiheystaan”ayuu yiri Safiir Tarsan.
Safiir Tarsan wuxuu carabka ku adkeeyay inay Dowlada iyo Madaxdeedaba ay ku taageersn yihiin dagaalka lagula jiro Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDuqa Muqdisho oo Dalka Turkey kula kulmay Dhiggiisa Magaalada Ankara+Sawirro
Next articleDalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub (GEDAN) oo dooratay Guddoomiye & ku-xigeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here