Nairobi (dayniiile.com)-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Maxamuud Axmed NuurcTarsan oo shaqada ay beri ugu egtahay ayaa Xarunta Safaarada waxaa loogu sameeyay caawa Xaflad sagootin ah.
Guud ahaan siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa u qirey wax qabadka dhaxalka ah ee uu ka tagay Danjire Tarsan.
Advertisement
Safiirka ayaa mar uu hadlaayay sheega inuu ka tagaayo Safaarad aan wax deyn ah lagu lahayn intii uu shaqeynaayayna uu horumar badan gaarsiiyay Safaarada.
Waxaa si gaar ah loogu amaanay Danjire Tarsan dhismaha quruxda badan ee Safaarada oo ah dhulkii Safaaradu lahayd oo Danjiruhu ka saaray kiradii ay ku jiri jirtay madaama uu dhisay Safaaradii Qaranku lahaa.
Si kastaba Xaflada halkaan ka daawo Muuqaal uu diyaariyay Tv-ga Qaranka Somalia.