Muqdisho (dayniiile.com)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusif Jimcaale Madaale ayaa goor dhaw oo caawa ah booqday Suqa Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho halkaasoo caawa uu dab xoogan ka kacay.
Dabka caawa ayaa qaatay saacado in la damiyo markii uu ku faafay suuqa Xamarweyne iyo guryaha ku dhaw dhaw.
Duqa Muqdisho ayaa saacado kadib ku dhawaaqay in lagu guuleyatay daminta dabka xili ay garbihiisa taagnaayeen ku xigeenadisa amniga iyo arimaha bulshada .
Duqa Muqdisho Mr Madaale wuxuu sidoo kale xusay inay la xisaab-tami doonaan Shirkadaha korontada oo badanaa lagu eedeeyo inay sabab u yihiin dabka mar kasta qabsada guryaha iyo goobaha ganacsiga.
Si kastaba halkaani hoose ka daawo booqashada iyo hadalka duqa Muqdisho: waxaana video-ga ka soo qaadanay warbaahinta Maamulka Gobolka Banaadir.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM