Garowe(dayniiile.com)-Waxaa Caawa kulan uga socdaa Madaxtooyada Puntland ee Garowe Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Dani iyo qaar ka mida Isimada Puntland.

Kulankaan waxaa looga hadlayaa sida la rumeysan yahay xal u helida shirka baarlamanaka ee beri u balansan yihiin oo laga cabsi qabo inuu dagaal dhaliyo.

Advertisement

Isimada ayaa doonaya inay madaxweynaha kala hadlaan xal u helida xiisadaha tagaan.

Dhanka kale waxaa caawa isu soo bax ka sameeyay xarunta madaxtooyada horteeda haween kuwaasoo diidan  in shirka baarlamaanku keeno dagaal.

Haweenkaan oo isku balansaday inay ilaa beri subax joogaan halkaasi ayaa markii danbe lagu qanciyay inay hoydaan.

Hadaba halkaan ka Daawo muuqaal uu diyaariyay Tv-ga Universal kaasoo looga hadlayo shirka Garowe ee caawa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleBaarlamaanka Puntland oo beri subax u balansan shirkii hore looga digay iyo shacab hor-tuban.
Next articleWAR DEG DEG AH: Qarax weyn oo Caawa ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here