HomeWarkiiDAAWO: Wasiir Ceydiid Dirir oo jawaab culus siiyay Wasiir Fiqi

DAAWO: Wasiir Ceydiid Dirir oo jawaab culus siiyay Wasiir Fiqi

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa jawaab culus siiyay Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Somalia Wasiir Fiqi oo dhawaan sheegay in diyaarado ka kaca Boosaaso ay adeegyo geeyaan Dalka Sudan oo dagaalo ka socdaan inkastoo uusan sii bayaanin hadana waxaa loo fahmay inuu ula jeedo in Dalka Sudan looga duuulo Boosaaso .

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo jawaab ka bixiyay ayaa ugu horeyn beeniyay wararka sheegaya in Boosaaso looga duulo Sudan,wuxuu xusay in imaaraadku haduu Sudan rabo uu saldhig ku leeyahay Dalka Chad oo aad ugu dhaw Dalka Sudan.

“Wasiir Fiqi shaqadii loo dirsaday wuu iloobay ,Ciidamadii Soomaaliyeed ee uu Wasiirka u ahaa ayuu ku soo koobay labadii Iridood ee Muqdisho, ma  istaahilo inuu Wasiir Noqdo oo uu jago hayo.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -