WAAJID (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa Degmada Waajid ee Gobolka Bakool kaga qeybgalay is diiwaan gelinta bulshada ee doorashooyinka qof iyo codka ah.
Wasiirka ayaa isaga laftigiisu saaka iska diiwaangeliyay degmada Waajid isagoona wariyayaasha u sheegay inuu isku diyaarinayay sidii uu ugu tartami lahaa doorashooyinka qof iyo codka ah.
Wasiirka oo safar shaqo ku tagay Waajid ayaa shalay bulshada ku dhiiri geliyay inay codkooda ku soo doortaan madaxda magaaladaasi hogaamin lahayd kadib madaxda guud ee Maamul Gboleedka iyo kan qarankana u diyaar garoobaan inay codkooda ku doortaan.
“Bulshada ree Waajid, waxaan wada gorfeynay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan muhiimada bulshada deegaanka u leedahay hirgelint doorashooyinka loo dhanyahay ee Qof iyo Cod, garab istaagga dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka shacabka”ayuu yiri Wasiir Jaamac
Hadaba halkaan ka daawo muuqaaka Wasiirka ee is diiwaan gelinta doorashooyinka soo socda ee qof iyo cod:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
