MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Maxamed C/qaadir oo maanta ka hadlayay munaasabad uu ku furayay School and Peace Dimocracy ayaa si toos ah u weeraray Raadiyaha iyo Tv-ga Shabeelle isagoo munaasabada ka sheegay inay Dowlada Mucaarad ku yihiin.
Wasiirka oo ka sheekeynayay dimuquraadiyada iyo sida Dowlada uu ka tirsan yahay ay ugu wanaagsan tahay ayaa goobta ka sheegay in taasi cadeyn u tahay Shabelle TV oo goobta ku sugan shirkooda duubaneysa hadana inay Dowlada mucaarad ku yihiin,sidaas ay tahay aysan Dowlada waxba u dhimin oo raali uga tahay shaqadooda warbaahineed.
“Dimuquraadiyadeena waxaa cadeyn idinku filan hada waxaa nala jooga wariyayaasha Shabelle TV way duubanayaan munaasabada hadhowna wixii ay raban ayay naga sheegayaan walibana lacag ayaan ugu dareynaa gudbinta warka,waxnana ma ku sameyneyno,aduunka ma ka jiraa dimuquraadiyad ka weyn taasi” ayuu yiri Wasiirka ciyaaraha.
