GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa dhuradii maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho isagoona gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay markii uu diyaarada ka soo degay.
Wasiirka ayaa u tagay Magaalada Gaalkacyo sidii uu shacabka Gobolka Mudug ugu dhiiri gelin lahaa is diiwaan gelinta doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaanka oo Dowladu dooneyso in guud ahaan dalka uu ka qabsoomo.
Wasiir Fiqi iyo musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq ayaa si wada jir ah waxay uga soo muuqdeen dadweynaha safafka ugu jirey is diiwaan gelinta saaka ee doorashooyinka qof iyo cod.
“waan ku faraxsanahay inaan maanta is diiwaan geliyo ,bulshadana waxaan ugu baaqayaa inay yimaadaan oo is diiwaan geliyaan madaama mudo dheer ay dalkaan ugu dabeysay inay codkooda ku soo doortaan cida xukumaysa,waxaana rajeynayaa in shacabku ka qeybqaato is diiwaan gelina” ayuu yiri Liibaan Shuluq
Mar uu ka hadlayay Liibaan shuluq in reer Gaalkacyo ku qanacsan yihiin is diiwaan gelinta wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin waad qiyaasi kartaa xiligaan oo duhur ah inay safaf ugu jiraan is diiwaan gelinta.
Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka masuuliyiinta iyo si diiwaan gelntooda:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
