HomeWarkiiDAAWO: Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha oo goor dhaw xariga ka jaray...

DAAWO: Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha oo goor dhaw xariga ka jaray Buundada Sabiib iyo Caanoole kadib dib u dhis lagu sameeyay

Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha Somalia iyo Saraakiil ka kala socday Xoogga Dalka, AUSSOM iyo Turki ayaa maanta wada-jir waxay uga qeybaleen munaasabad xariga looga jarayay Buundada Sabiib iyo Caanoole kadib dib u dhis lagu sameeyay.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka arimaha gudaha Cali Xoosh ayaa xariga si rasmi ah uga jaray buundada oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Gobolka Shabeelaha hoose.

“Maanta waxaan joognaa xarig jarka Buundada Sabiib iyo Caanoole, halgankana waan ku jireynaa ilaa aan ka guuleysano.” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh

Wasiir Fiqi ayaa isna dhankiisa sheegay inay sharaf u tahay inay saaka joogaan dib u xarig jarka buundada Sabiib iyo Caanoole oo dhawaan ciidamada Dowlada iyo kuwa AUSSOM dagaalo qaraar kula galeen Alshabaab islamarkaana sida uu sheegay ay ku shahiideen ciidamo ka tirsanaa Milateriga Somalia.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay munaasabadaani Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar  kaasoo xusay inuu ku faraxsanahay in lix bilood kadib xarigga ay ka jaraan  Buundada Sabiib iyo Caanoole, kadib markii ay ka adkaadeen cadowga Alshabaab sida uu warka u dhigay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -