HomeWarkiiDAAWO: Xaafada Siliga oo dulka lala simay markii Dowladu amartay inay baneeyaan...

DAAWO: Xaafada Siliga oo dulka lala simay markii Dowladu amartay inay baneeyaan qoysaskii deganaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xaafada Siliga Towfiqi balse ahayd xero ay lahaayeen ciidamada Somalia xiligii Dowladii kacaanta ayaa dhulka lala simay sedexdii maalin ee ugu dambeysay kadib markii Dowlada Somlia ay amartay in la baneeyo dhulkaasi qaranku leeyahay.

Xeradaani Ciidamada waxay ahayd 30-kii sano ee ugu dambeysay xaafad boqolaal qoys ay degan yihiin xili xitaa qoysaska qaar sara ka dhisteen sidoo kale waxay xaafadaani gaartay sida dhulala caadiga ah in la kala iibsado.

Warar ku dhaw dhaw dadka la barakacyay ayaa noo sheegay in markii ugu horeysay oo Dowladu ogeysiiska bixineysay dadka fursad loo siiyay in qoyskiiba 8 kun doolar shubto si hal boos loogu sharciyeeyo markii la baneeyo walibana maraas la cabiro kadib 8 kale laga rabo si qoys kasta 16 kun ugu milkiyo calaa booskii walow dadka qaar nus boos inay tahay ay sheegeen.

Sida muuqaalka aan idinka soo diyaarinay aad ku aragtaan qoys kasta intuu cagafku ku soo gaarin ayuu laamiyeerigiisa fiiqanayaa i uu u bad baadsado alaabta guriga dhex taal iyo waliba alwaaxa iyo laamiyeeriga.

Dowlada ayaa sidan oo kale hore u soo baneysay dhulal badan oo Dowladu lahayd sida dam-damiska,carwada iyo goobo kale maantana waa siliga towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

 

 

\

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -