HomeWarkiiDAAWO: Xassan Cali Kheyre iyo Jawaabta hadalkii Madaxweyne Xassan

DAAWO: Xassan Cali Kheyre iyo Jawaabta hadalkii Madaxweyne Xassan

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Ra”iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Xassan ee ahaa in mucaaradka kaiya ay sheegaan waxay diidan yihiin balse aysan sheegin waxay ogol yihiin.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan wuxuu sheegay in mucaaradku siyaasadii dalka ay u aadeen meel ka baxsan xayndaahka Dowladninada islamarkaana aanu garanayn waxa hotel jazeera ay ka keeni waayeen oo ay Kismaayo ka keenayaan.

Xassan Cali kheyre wuxuu sheegay in Kismaayo ay u adeen wixii shalay Madaxweyne Xasan uu isaga Kismaayo u aadi jirey markii uu mucaaradka ahaa.

“Talada dhulka iska dhig, aqbal inay isku yimaadaan dadka Soomaaliyeed,dalkana aan ka bad baadino qatarta ku gadaaman,adiga kaliya taladu kaama go’ado waqtigaagu waa gabaabsi adiga iyo baarlamaanka labadiisa aqal” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre

Mar uu ka hadlayay waxa isku keenay dadka Kismaayo isugu yimid ayuu sheegay  in wixii Madaxweyne xasan hore u keenay Kismaayo ay iyaguna u yimaadeen.

“madaxweynow halkaan waxaan isugu nimid wixii adiga ku keeni jirey, fariisntii aad diri jirtay markii aad mucaaradka ahayd ee ahayd inay qasab tahay in afartii sanaba doorasho la qabto” ayuu mar kale yiri Xasan Cali Kheyre

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -