HomeWarkiiDAAWO: Xildhibaan reer Puntland oo Muqdisho ku tilmaamay meel ajaanibta Midowga Afrika...

DAAWO: Xildhibaan reer Puntland oo Muqdisho ku tilmaamay meel ajaanibta Midowga Afrika ilaaliyaan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/qani Dhaashane oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland kana mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa gudaha xalane wuxuu kula hadlay qeybaha warbaahinta xili uu ka waramayay amniga caasimada Soomaaliya.

Fal-celin xoogan ayay reer Muqdisho ka bixiyeen ereyo xildhibaan C/qani Dhaashane ka soo yeeray oo ahaa in Muqdisho ay waardiyeeyaan ciidamada Midowga Afrika islamarkaana ay meel kasta qoryo la saaran yihiin.

“caawa waxaan dhex fadhinaa iyadoon ay dhagaxaani ku wareegsan tahay,iyadoo meel walba AMISOM saaran tahay ,iyadoo aaney ciidamo Soomaaliyeed ka dhex muuqan, intaas oo dhan waxaa keenay markii ay burbureen wixii Soomaali ku heshiisay”ayuu yiri Xildhibaan Dhaashane

Fal-celinta reer Muqdisho ayaa noqotay inay u cudur daaraan Xildhibaanka sababtana waxay ku sheegeen in xerada Xalane oo u yaqaan Muqdisho oo dhan inay tahay xeradaasi xili dhalinyarada qaar ku maadsadeen madaama uu wali rumeysan yahay in ciidamadii AMISOM xamar joogaan sidoo kale uu rumeysan yahay in Muqdisho ajaanibtu askar u yihiin oo cidan Somaliyeedba jirin.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -