MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhiban mohamed abukar jacfar oo galabta hadalo kooban ka jeediyay Hotel Jazeera oo ay ku shirsanaayeen mucaaradka samatabixinta ayaa si kulul u canaantay siyaasiyiinta mucaaradka isagoona ku dhaliilay inay hadal uun meel la fadhiyaan.
Xildhibaan Jacfar wuxuu u soo jeediyay Mucaaradka inay banaanka yimaadaan oo la imaadaan ficil ka dhan ah Dowlada Faderaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh ,wuxuu intaasi ku daray in lagu socdo xili xitaa shir la isugu iman kari waayo.
“shirarkaan in aysii soconayan ilama aha mardhow jidadka in uu xirtaa laga cabsanaya xasan sheekh”ayuu yiri Xildhibaan Jacfar.
Haddaba halkaan ka daawo faah-faahinta hadalada Xildhibaan Jacfar oo aan ka soo xiganag Risaala TV:-
