Mdaxaweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle oo ka mid ahaa Wafdiga Ugaaska Beesha Xawaadle ee galabta ku laabtay Magaalada Baladweyne ayaa hadalo kooban uu ka jeediyay soo dhaweynta loo sameeyay wuxuu u muuqday inuu ka yara hadal deganaa Ugaaska oo cara ay ka muuqatay islamarkaana afkiisa ay soo boobeen ereyo dagaal gelin ah iyo hanjabaad talaabo ay qaadi doonaan.
Dabageed wuxuu sheegay in kaliya ay tabasho qabaan ayna ka tabanayaan Dowlada Somalia iyo Hirshabelle oo uu carabka ku adkeeyay inay ka tirsan yihiin.
