Xamar (dayniiile.com)-Waxaa Caawa mar kale Magaalada Muqdisho uu dab ka kacay meelo kala duwan kuwaasoo wararka horu dhaca ah aan heleyno ay sheegayaan inuusan jirin wax khasaare nafeed ah.

Dabka hore ayaa  ka kacay Nawaaxiga Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho halkaasoo uu dab qabsaday guri nus Boos ah kaasoo gabi ahaanba bas beelay.

Advertisement

Lix qol ayuu ka koobnaa gurigaan dhamaantood waxba kama badbaadin way wada bas beeleen,mana jirto wax khasaare nafeed ah oo dabkaani uu sababay.

Kooxda Gurmadka deg-dega ee Dab-damiska Gobolka Banaadir oo sida ugu dhaw u gaareen goobta ayaa bad baadiyay guryaha ku dhagan guriga uu dabku qabsaday.

Mareegta Dayniiile.com oo la xiriirtay masuul ka tirsan Kooxda Dab-Damiska, waxaana wax ka weydiinay sababta dabku guriga u baabi’iyay xili sida uu sheegay waqti fiicana ay gaareen goobta, waxuuna noogu jawaabay in dabka oo ka kacay Gaas-ka raashinka lagu karsado uu sababay xawaaraha dabka inuu boobsiiyo guriga.

“waxaa is raacay dabka oo ka kacay gaaska raashinka lagu karsado,korontadii guriga iyo xiliga dabeylaha oo lagu jiro, sidaas ayuuna dabku ku boobay guriga, laakiin waxaan dadaalkeena isugu geynay inaan bakhtiijino si guryaha kale uusan u gaarin”ayuu yiri Masuulkaasi nala hadlay.

Sidoo kale waxaa dab kale isla caawa uu ka kacay goob ganacsi uu ku taal isgoyska shaqaalaha Magaalada Muqdisho taasoo ahayd Mall weyn oo laga adeegto.

Kooxda Gurmadka waxay noo xaqiijiyeen in 80% ay badbaadiyeen goobtaasi ganacsi ee dabaqa ahaa.

Dabaqa labaad ayuu dabku ka kacay mana jirin wax soo gaaray dabaqa hoose intii dabku socday,dabkaan wuxuu ka kacay koronto.

Xalay sidaan oo kale laba meel ayuu dabku ka kacay sida waana lagu guuleystay in la bakhtiijiyo walow khasaare hantiyeed uu jirey sida  caawa oo kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIIILE.COM

Previous articleDuqa Muqdisho iyo dhigiisa Doxa oo ku heshiiyay Mataaneynta labada Magaalo+SAWIRRO
Next articleAabaha dhalay Wariyaha Al-Jazeera ee Gaza oo Caawa lagu dilay duqeymaha Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here