BURCO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in dab maanta ka kacay guri ku yaal Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer uu sababay dhimasho badan kadib markii gurigaasi dab aad u xoogan baaba’shay.
Allaha u naxarioistee 3 caruur ah oo isla dhalatay ayaa ku dhimatay gurigaasi xili gurigu kor kaga xirnaa , kooxda dam-damiska ayaa mar danbe soo gaaray goobta xili dadka xaafada ay gurmad fidiyeen.
Niman ka shaqeynayay guri la dhisayay ayaa la sheegay inay guriga xaga danbe ka jabsheen sidaana ku soo saareen laba ka mid ah caruurta oo ay isbitalka gaarsiiyeen inkastoo ay markii danbe geeriyoodeen.
Gaadiidka dam-damiska ee Maamulka Somaliland ayaa markii danbe waxay ku guuleysteen inay guriga dabka ka bakhtiijiyaan xili ay kaashanayeen dadka deegaanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
