Dab xooggan oo ka kacay guri ku yaal Magaalada Buco ee Maamulka Somalilandย ayaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.
Guriga dabka uu ka kacay oo jiingad ahaa waxaa ku dhintay laba caruur oo walaalo ahaa sida ay sheegtay Idaacada Dalsan.
Advertisement
Ciidamada gurmadka ayaa dadaal muujiyay inkastoo labadaasi caruurta ah geeriyoodeen isla markaana guriga qeyb ka mida iyo wixi yaalayba ay gubteen.
Caruurtaan yar yar ee dabka ku dhintay ayaa la sheegay in guriga looga dhex tagay taasoo booliisku ka hadleen arintaasi.
Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa dadka shacabka ah uga digay inay caruurta guriga uga tagaan sidoo kale waxay uga digeen waxyaabaha keeni kara in dab kaco.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM