MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dab xooggan oo khasaare hantiyeed geystay ayaa caawa ka kacay guri ku yaal Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan guri aad ugu dhaw mowlaca caanka ah ee reer Macalin Nuur Maxamed Siyaad.
Inkastoo aan wali la xaqiijin inta uu la egyahy khasaaraha hantiyeed hadana wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad ay loo fidiyay guriga dabka uu qabsaday markii dadkaa derisku dadaal badan sameeyeen kuwaasoo qeyb ahaan ku guuleystay inay damiyaan dabka.
Sidoo kale waxaa iyana goobta soo gaaray kooxda gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin horkaceysa xili dabku holac badan iyo qiiqba uu ka baxayo,dad badan oo daawanayama way ku sugan yihiin.
Xiliyada dabeylaha ayay badanaa soo noqnoqdaan guryaha gubta walow Gaaska raashinka lagu karsado iyo korontaduna ay qeyb ka gaystaan kororkla dabka qabsada guryaha xaafadaha Magaalada Muqdisho, dhanka kale ma jirto wax khasaare nafeed ah inta aan ka warheyno.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

